Xog Xasaasi ah: Madxweynaha Maamulka KGS oo bilaabey in uu lacag kubixiyo barabagaado looga soo horjeedo qaar kamid ah musharaxiinta KGS

60

Wararka nagasoogaaraya megaalada baydhabo ayaa sheegaya in dhowaan shir ay isugu yimadeen qaar kamid ah wasiirada shariif xasan  shirkaas oo hogaaminaayey wasiirka amniga kgs Xasan Xuseen eelay, shirka ayaa looga Hadley sidii loo barabagaani lahaa musharax ugu awooda badan musharaxiinta kgs islamarkaana la aamin sanhayay in 100% ku guuleysan doono xilka hogaanka koonfur galbeed.

Sheekh mukhtaar roobow  Abuu Mansuur oo bartamihii sanadkii aan soodhaafney 2017  wadahadal lagaley dowlada fedralka soomaaliya ayadoo dowlada soomaaliya si diiran ugu riyaaqdey wadahadalkaasi, isla markaana  dowlada soomaaliya qalinka ku duugtey dhamaan dalabyadii uu watay.

hogaamiye mukhtaar roobow,Oo ah shaqsi si weyn looga yaqaano saameyn weyna ku leh soomaaliya ayaa hada lafilyaa in uu majaraha uqabto hogaanka dowlad goboleydka soomaaliyeed KGS.

 

Hogaamiyaha fashilmey ee koonfur galbeed ayaa bilaabey in uu qarash kabixiyo barabagaando aan sal iyo raad leheen kadib markuu yaqiin sadey in talo faraha ka baxdey oo ay adagtahay in uu la tartamo musharax sheikh mukhtaar roobow oo lafilaayo in oo dhawaan shaaca kaqaado musharaxnimadiisa hogaanka kgs,  waa sida ay noo xaqiijiyeen xubno kudhow  dhow xafiiskiisa.

Xog hoose oo aan helney ayaa sheegaya in madaxweynaha koonfur galbeed uu bilaabey in uu ku bixiyo qarashaad goobaha bulshada ay kuwada xiriiraan oo loo yaaano social media, dhanlinyaro bagaamuundo ah ayaa lasheegey in qoraalo loodiyaariyo kadibna magacooda ku qortaan ayagoo muujinaaya in taageero u yihiin maamulka shariif xasan taa bedelkeedna bishii $100 USD helaan

 

Si kastaba ha ahaatee madaxweynaha waqtigiisa siidhamaanaya ayaa lafilayaa in arbacada nagu soo foodle baarlmaanka koonfur galbeed kadoodaan guddiga doorashada madxweynahii bedli lahaa shariif xasan, oo lafilaayo in uu noqondoono  Sheekh Mukhtaar Roobow.

You might also like More from author

Comments are closed.