Daawo: Nin Mareykan ah oo Hotel ka dhistey Xeebta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho

49

Nin u dhashey dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Micheal Stock ayaa waxaa uu soo dhameystirey Hotel ku yaala xeebta magaalada Muqdisho kaasoo si aad ah uga duwan hoteelada magaalada Muqdisho ka dhisan .

Hotelkaan oo ka mid ah dhismayaasha laga hirgaliyey xeebta ku  teedsan garoonka diyaarada ee Aden Adde International Airport ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa habeenkii lagu seexdaa inka badan 400 USD, waxaana inta  badan isticmaala  shaqaalaha Hay’adaha iyo sirdoonka Reer Galbeedka.
Shirkada dhistey Hotelkaan waxay sidoo kale ama badanaa wax ka dhistaan Wadamada Dagaalada sokeeye ka dhacaan sida Soomaaliya iyo Afganistaan.

Dhul xeebaadkaan balaaran waxaa ku yaala dhismayaal iyo meelo lagu dabaasho oo lagu raaxeysto, Waxaa kuyaal Garoon yar oo diyaaradaha qaaska ah kasoo degaan, waa magaalo aan Soomaaliya ka tirsanayn balse ku dhextaal Muqdisho.

Michael Stock is pursuing an extreme version of that basic investor’s principle: Get in early. He’s just finished building a resort on the coast of war-torn Mogadishu, Somalia. WSJ’s Christopher S. Stewart reports.
Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.