Nin hubeeysan ayaa toogasho ku dilay Labo Askari ook tirsan ilaalada Ra’isul wasaaraha Dalka Taliyaaniga

37

Italy Politics Shooting
Nin careeysan oo ku hubeeysnaa Biskoolad ayaa toogasho ugeystay labo ka tirsan askarta ilaala ka aheyd goob lagu dhaarin lahaa Ra,isal wasaaraha cusub ee dalka talyaaniga iyo wasiiradiisa oo lagu waday in lagu dhaariyo goobta maalintii shalay
Ninkaani oo lagu sheegay inuu ahaa nin iskusoo hubeeyay Biskoolad ayaa sitoos ah usoo dhex istaagay fagaaraha Carabinieire Paramilitary Police, oo ah xarunta ay ku sugnaayeen siyaasiyiin fara badan oo ka tirsan dowladda cusub oo ay haatan yeelatay dalka talyaaniga kadib ninkani ayaa damacsanaa inuu toogasho ku dilo siyaasiyiinta halkaasi isugu soo aruurtay iyagoo sugaayay dhaarinta xilalka ay uqabteen shacabka reer Talyaani
Gudoomiyaha caasimada dalka Talyaaniga ee Roma Pierfilippo Laviani ayaa saxaafada usheegay in ninkaani oo haatan ku jira gacanta booliiska uu ku jiro Cusbitaal isagoo lagu sheegay inuu maskax ahaan uusan caafimaad qabin maadama uu lumiyay wax walbe noloshiisa ah isagoo ah nin shaqeeysan jiray balse haatan shaqa la,aan xoogan lasoo deristay
Luigi Preiti oo ah ninka toogashada u geystay labada askari ayaa dadiisu tahay 49 jir kasoo jeeda gobalka wax soosarka beeraha ku caan baxay ee Calabaria ninkaani ayaa lahaa sida uu warka u dhigay Laviani beer weyn kadibna ay la kulantay dhaqaale la,aan taasna maanta ay ku sababtay inuu weerar kusoo qaado madaxda dowlda cusub ee Talyaaniga
Fanuel Morelli oo ah Kaamiriiste ushaqeeya Telefishinka AP ayaa usheegay warbaahinta
“Markaan Maqlay dhawaqii ugu horeyay ee rasaasta ku dhacday Askari ayaan dib u jeestay kadibna waxay indhaheeyga qabteen Nin inoo dhaxeysa qiyaastii 15 Meter (50 feet) isaga oo gacantiisa gacanta kale dul saaray kadibna Biskooladiisa shan xabadood oo isdaba jooga ah ku dhuftay askar ka tirsan qolooyinka loo yaqaan Carabinieire oo ah askarta dacwaddaha qaada ee dalka Talyaaniga Askarigas oo taagna masaafo ilaa 4 Meter ah (13 feet) oo uu ka horjeeday Ninka fuliyay toogashada”
Ciidanka ku dhaawacmay goobta ayaa haatan ku jira cusbitaal ku yaala magaalada Roma inkastoo wararku ay sheegayaan Askari ka tirsan labadda Askari ee uu dhaawaca soo gaaray midka mid ah uu ku jiro xaalad aad u adag
Sikastaba ha ahaate waxay kusoo beegmeeysa falkaani uu la damacsanaa Siyaasiyiinta cusub xili dowladd cusub ay ka dhalatay wadanka Talyaaniga kadib dhibaato baaxad weyn ee kasoo qabsaday dhanka iyo deeymaha ay ku yeesheen dowladdaha Midowga Yurub dalka Talyaaniga taas oo saamixi weesay in ay bixiyaan dowladihii hore xili shacabka talyaaniga inka badan 4 million lagu qiyaasay sanadii 2012 ay ahaayeen shaqo la,aan.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.