Guddiga doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomalia oo maanta lagu dhawaaqayo

107

Guddiga qaban qaabada ee doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa maanta lagu wadaa in lagu dhawaaqo, iyadoo maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ay yeelan doonaan kulankooda caadiga ah.

Farriimo qoraaleed xalay loo kala diray Xildhibaanada ayaa lagu sheegay in ajandaha kulanka maanta oo Sabti uu yahay magacaabida Guddiga qaban qaabada doorashada.

Guddiga qaban qaabada doorashada ayaa la filayaa inuu ka koobnaado 15 xubnood, waxaana lagu saleyn doonaa habka awood qeybsiga 4.5, waxaana marka guddiga lagu dhawaaqo ay soo saari doonaan jadwalka doorashada, waqtiga la qabanayo araajida musharaxiinta iyo khudbadaha ay ka hor-jeedinayaan Baarlamaanka hortiisa.

Warar ku dhow dhow xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegaya in todobaadkan gudihiisa la qaban doono doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Musharaxiin dhowr ah oo ay ku jiraan Wasiiro ka tirsan Xukuumadda ayaa isku soo sharaxay xilka banaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana loo geli doonaa tartan iyo loolan adag.

You might also like More from author

Comments are closed.