Qatar oo gaadiid ku wareejisay dowladda Soomaaliya

38

Dowladda Qatar ayaa gaadiid casri ah ku wareejisay dowladda Soomaaliya, kaasi oo loogu talo galay in lagu dardar geliyo adeegyada kala duwan ee dadweynaha loo qabto.

Wasiir ku xigeenka dekadaha, maareeyaha dekadda Muqdisho, guddoomiye ku xigeenka howlaha guud ee gobolka Banaadir iyo masuuliyiin ka tirsan safaadaradda Qatar ee magaalada Muqdisho ayaa munaasabadda ka qeyb galay.

Gaadiidka ayaa sida wararka aan ku heleyno waxaa loo qorsheeyay in 17 kamid ah lagu wareejiyo degmooyinka Gobolka Banaadir, inta kalana loo qorsheeyay in la gaarsiiyo maamul goboleedyada dalka.

Cusmaan Daallo Wasiir ku xigeenka wasaaradda Dekadaha xukuumadda Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay dowladda Qatar gaadiidkaan casriga ah ee ay ku wareejisay.

You might also like More from author

Comments are closed.