war xasaasi ah: Maxaa saka ka soo kordhay Xaruunta Xalane ee AMISOM iyo Amar Soomaalida looga Mamnuucayo oo soo baxay

79

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Taliska Ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho uu amar dhanka galitaanka ah kasoo saaray Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Taliska ayaa la xaqiijiyay inuu soo saaray qoraal amar ah oo lagu mamnuucayo galitaanka Xarunta Xalane oo Saldhig u ah Diplumaasiyiinta iyo ciidamada Shisheeye.

Xarunta Xalane ayaa sidoo kale Saldhig u ah Safaradado badan oo ay leeyihiin dowlado Shisheeye, waxaana jira warar hoose oo muujinaaya cabsi dhanka amaanka ah.

Amarkan ayaa saameynaaya dhammaan Soomaalida u shaqa tagta Xarunta, Mas’uuliyiinta banaanka ka degan Xarunta iyo dhammaan ciidamada aan ka howlgalin Xalane

You might also like More from author

Comments are closed.