Gobolka Gedo: Dagaal culus oo Al-Shabaab iyo ciidanka Kenya ku dhex maray

75

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab ku dhex maray deegaanka Fafax Dhuun ee Gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay, markii dagaalamayaal ka tirsna Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaankaas, waxaana halkaas labada dhinac ku dhex maray dagaal qaatay in ka badan saacad.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Shabaab ay weeraro madaafiic ku qaadeen saldhigga, kaddibna weerar toos ku galay xerada, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha rasmiga ee labada dhinac soo kala gaaray.

Baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa lagu baahiyay in dagaalamayaasha Shabaab ay weerar dhowr jiho ku qaadeen Saldhigga Cidiamada Kenya, isla markaana khasaare culus ku gaarsiiyeen ciidanka Kenya.

Al-Shabaab ayaa dhowrkii todobaad ee u dambeeyay waday weerarada tooska ah ee ay ku qaadayeen saldhigyada ciidanka AMISOM ku leeyihiin qaar ka mid ah gobolada dalka.

You might also like More from author

Comments are closed.