Jowhar iyo Balcad: Ciidamo fariisimo ka sameystay wadada u dhexeysa

37

Ciidamo isugu jira Soomaali iyo ciidamo AMISOM ah ayaa fariisimo ka sameystey wadada u dhexeysa magaalada Jowhar iyo degmada Balcad gaar ahaan goob hore loogu weeraray ciidamada AMISOM iyo kuwa Milatariga ah.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay fariisimo ka dhigteen deegaanka Haan-Sheekh oo u dhexeeya Gololey iyo degmada Balcad iyo sidoo kale deegaanka Gololey.

Ujeedada degitaanka ciidamadan ayaa lagu sheegay inay tahay sidii loo sugi lahaa ammaanka wadada isku xirta degmooyinka Jowhar iyo Balcad.

Ciidamo AMISOM ah iyo kuwa Milatariga Soomaaliya ayaa dhowr jeer hore dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ku weerareen Haan-Sheekh halkaasoo gaadiid dagaal loogaga gubay ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalidaba.

Wadada laamiga ah ee isku xirta magaalad Jowhar iyo Balcad ayaa muhiim u ah sidii loo gaarsiin lahaa saadka iyo waxyaabaha kale ee ay u baahan yihiin ciidamada AMISOM ee jooga magaalada Jowhar gaar ahaan garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar halkaa oo saldhig weyn ay ku leeyihiin ciidamada AMISOM.

You might also like More from author

Comments are closed.