Xildhibaanada Garabka sida weyn u taageersanaa Jawaari oo saaka kala firdhay….

109

Warar goordhaw kusoo dhacay Warqabadka Shabakada Allbanaadir.com ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu is casilay.

GroupkGroupka taagyeersanaa jawaari ayaa ka carooday is xasilaadii gudoomiyaha tasoo in badan juhdi faradan galiyeen,ujeedkodana ahaa foodada taagnaato .

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku sugan xarunta golaha Shacabka ayaa noo sheegay in Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Cabdiweli Muudey u yimid xarunta golaha Shacabkana una aqriyay Warqada is casilaada.

Gudoomiye Cabdiweli Muudey ayaa sheegay in Gudoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu is casilay isaguna uu ka aqbalay, waxa uuna ka dalbaday Xildhibaanadii joogay xarunta golaha shacabka in ay kala tagaan .

Wadahadalo saacado badan qaatay oo ay yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya,iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari  ayaa ugu dambeyn lagu qanciyay Jawaari in uu is casilo.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha Iscasilaada Jawaari kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

You might also like More from author

Comments are closed.