Guddoomiye Jawaari oo ogolaaday inuu is casilo

38

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helnay dhinacyo kala duwan ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu aqbalay inuu is casilo, kaddib wada xaajood xalay saqdii dhexe socday.

Ilo kala duwan ayaa Jowhar.com u sheegay in kulankii xalay dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Jawaari la isku afgartay in xaalada taagan la soo afjaro, iyadoo uu aqbalay Mr Jawaari inuu is casilo.

Wada hadalada ayaa la filayaa in maanta uu ku soo biiro Ra’iisul Wasaare Kheyre, waxaana jiri doono kulan gaar ah oo ay qaadan doonaan Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Saddexda Guddoon.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada taageersan Guddoomiye Jawaari ayaa xaqiijiyay in Mr Jawaari uu aqbalay inuu is casilo, isla markaana maalinta Arbacada ee soo socota uu kaga dhawaaqi doono kulanka guud.

Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray in Jawaari is casilay, isla markaana la laalay Mooshinkii.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo saaka aroortii hore u kalahay xarunta baarlamaanka ayaa diiday inay xarunta ka tagaan, kaddib markii lagu wargeliyay in kulanka dib u dhacay, waxaana ugu dambeyn lagu qanciyay inay xarunta ka soo tagaan, iyadoo loo sheegay in Jawaari ogolaaday inuu is casilay.

Xaalada siyaasadeed ee uu dalku ku jiray todobaadyadii la soo dhaafay ayaa u muuqata mid soo afjarantay, waxaana la geli doonaa marxalad cusub oo aan la qiyaasi karin halka ay ku biyo shuban doonto.

You might also like More from author

Comments are closed.