R/Wasaaraha oo xalay kormeeray goobihii qaraxyada ay ku fashiliyeen Ciidamada ammaanka

77

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kormeer ku tagay bar koontaroolada ciidamada ammaanka ku leeyihiin nawaaxiga Isgoysyada KM4 iyo Banaadir, halkaasoo shalay qaraxyo ay ka dhaceen.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ku ammaanay ciidamada sida ay uga hortageen qaraxyadaas, isla markaana ay u muujiyeen dadaal ay ku baajiyeen in qaraxyadaas ay shacabka dhibaato ka soo gaarto.

Waxaa uu ku dhiira geliyay ciidamada inay saacad walba sii gutaan sugida ammaanka, isagoo is barbar taag u muujiyay, una balan-qaaday inay heli doonaan xuquuqdooda.

Sidoo kale  Ra’iisul Wasaarah ayaa intaas kadib guddoonsiiyay abaal marin Lacageed oo uu ku dhiiri gelinayey Ciidamadii ku sugnaa Baraha Koontarool ee laga ilaaliyo ammaanka.

Ciidamada ammaanka ayaa shalay ka hortagay qaraxyo baabuur loo adeegsaday, kaasoo mid ka mid ah dableydii saarneyd lagu rasaaseeyay bar koontarool ay cidiamada ku lahaayeen agagaarka Isgoyska Banaadir.

Qaraxyadii shalay dhacay ayaa u dhaxeeyay labo saacadood, iyadoo uu ku soo aaday, xilli uu sii xoogeystay khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari.

You might also like More from author

Comments are closed.