Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland oo Saxaafada kula wada hadlay Magaalada Garoowe

43

wow

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, ayaa wuxuu kulan kula qaatay Madaxweyne Faroole.

Madaxweynaha Dowladda Federal-ka ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka
Puntland Dr. C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud “Faroole”, ayaa waxay shir jaraa’id ku qabteen Madaxtooyada Magaalada Garoowe.

Ka gadaal markii uu u soo dhamaaday shir gaar ah oo uga soconaayay Madaxtooyada Magaalada Garoowe, ayaa waxay shirka jaraa’id diirada ku saareyn nidaamka Federalism-ka.

Madaxweynaha Puntland ayaa wuxuu mahdiyay in maanta Puntland ay tahay Dowlad Goboleed, taageerana ka heysata Dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland ayaa wuxuu sheegay inaysan Puntland ka laaban doonin heerka ay maanta taagan tahay, lana shaqeyn doonto Dowladda Soomaaliya, wuxuuna ku baaqay in Puntland lagu daydo.

Madaxweyne Prof. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu isna sheegay in Dowladda Somaliya, ay diyaar la tahay wax kasta, laakiin aysan marnaba diyaar u ahayn in la baalmaro Sharciga Federalism-ka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu si maldahan uu Maamulka Kmg ah ee Magaalada Kismaayo, uu ugu baaqay inay la safato Dowladda Soomaaliya.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.