Shirkii Saxiixayaasha oo la soo gabagabeeyey iyo Siyaasiga Cabdikarim Xasan Jaamac oo Sheegey in lagu been abuurtey

26

[audio:http://idalenews.com/wp-content/uploads/2012/08/jwb-abdikarim.mp3]
Magaalada Nairobi oo uu shir 2 maalin ah uga socdey madaxda roadmap ayaa gabagabadii shirka soo saarey war murtuyeed ay ku qoran yihiin 8 qodob oo ay ku heshiiyeen. Madaxweynaha iyo Wakiilka Ahlu Sunnah ayaa ka maqnaa shirka ka dib markii uu shaley ka soo baxey soona gaarey Muqdisho.

Qodobo Muhiim ah oo ee war saxaafadeedka u xusnaa waxaa ka mid ah:

1. Soo xulashada xildhibaanada ka soo gelaya beesha Dhulbahante waxaa isku racay laba qaybood oo ka socdey Dhulbahante, oo kala ah Wasiir Daahir Khaliif oo ka socdey Puntland State ee Soomaaliya iyo Mr. Cabdikariim Xasan Jaamac, waxaana hawshaas fududeeyey ku xigeenka ra’iisul wasaaraaha Cabdi wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif iyo Prof. Cabdirisaaq Cusmaan Xasan. Guddigaasi waxay warbixin siiyeen saxiixayaasha, oo uu hoggaaminayey madaxweyne Sheikh Shariif, waana ansixiyeen ayadoo la qaadayo nidaamkan:

(Waxaana nidaamkaas ka mid ah: in 8-da xubnood ee baarlamaanka ka soo gelaya beesha Dhulbahante loo kala qaysado sidan: in 3 xubnood ay soo xulaan odayaashasha Dhulbahante ee ku sugan garoowe, iyo in 5-ta kale ay soo xulayaan odayaasha ku haray Muqdisho. Waana in xildhibaanadaas ay isku raacaan dhamaan oday dhaqamedka beesha Dhulbahante, ha ahaadaan kuwo ku sugan Garoowe ama kuwo jooga Muqdisho. Waxna laga bedeli maayo Xubanaha beesha Dhulbahante ee ku jira 135-ka oday dhaqameed.)

2. Saxiixayaashu waxay isku raaceen sidii hore loogu qorsheeyey Heshiiskii Garoowe in ay ku socoto soo xulidda 275 xildhibaan ee baarlamaanka iyo kuwa Aqalka Sare, ka hor 20ka Agoosto (2012). Arrinta la xiriirta heerka waxbarasho ee xildhibanaada waxay noqonayaan in ay haytaan dugsi sare iyo khibrad, ama aan ka soo bixin Dugsi Sare oo leh khibrar. Hadduu muran ka yimaadona waxaa go’aan ka gaarayay Guddiga Farsamo ee Sooxulidda.

4. Saxiixayaashu waxay isku raaceen in doorashada Afhayeenka baarlamaanka iyo Madaxweynuhu ay noqotaa sida ku cadayd Heshiiskii Garoowe Principles.

5. Saxiixayaashu waxay walaac ka muujiyeen nabbada & ammaanka iyo xornimada & tayo-wanaagga Guddiga Farsamo ee Soo xulidda iyo xaaladda hab shaqaynta, waxayna isku raaceen in ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo arrintaas lagu hagaajinayo. UNPOS ayaa qaaday masuuliyadda arrintas ayadoo kaashanaysa AMISOM

Saxiixayashu waxay si xooggan u cambaareeyeen handadaad (nin-tooxsi) iyo laaluushka oo curyaaminaya soo xulidda Xubnaha Baarlamaanka. Waxaa reeban nooc kasta oo laaluush, handadaad iyo cabsi gelin ah. Qofkii lagu ogaado in uu soo maray nidaam sharci darro ah, waxaa laga mamnuucayaa (soo xulashada) waxaana laga qaadayaa tallaabo sharci ah.

7. Waxay Saxiixayaashu ugu baaqeen xubnaha Guddiga farsamada ee Sooxulidda in ay ku shaqeeyaan si qumman oo waadax ah oo hab wanaag ah, ayna iska ilaaliyaan wixii majaraha ka weecinaya hannaanka hufan.

8. Waxaa laga wada hadlay qadiyadda Galmudug, waxaana la isku raacay in arrintaas ay si dheeraad ah uga wada xaajoodaan Madaxweyne Caalin, Madaxweyne Sheikh Shariif iyo (Afhayeen) Shariif Xasan si loo helo xal.

 

 

You might also like More from author

Comments are closed.