X/Aqalka sare oo ansixiyay Go’aan lagu yareynayo qiimaha sare ee Xujeyda laga qaado

82

Xildhibaana Golaha Aqalka sare ayaa maanta kullan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay si weyn kaga doodeen Arrimaha Xajka iyo Cumrada,iyagoona kullankooda ku ansixiyay in qaraar laga soo saaro Arrimaha Xajka iyo Cumrada ee sanadkaan.

Kullanka maanta ayaa waxaa shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi oo ay garab fadhiyeen Labadiisa ku-xigeen,waxaana warbixin looga dhageystay Guddiga Garsoorka,Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ee Arrimaha Xajka iyo Cumrada.

Xoghayaha Guddiga Garsoorka,Arrimaha Diinta iyo Awqaafta,Xuquuqul insaanka,Haweenka iyo Carruurta ee Aqalka sare Senator Axmed Cusmaan Macow oo Xildhibaanada Aqalka sare hortooda warbixin ka jeediyay ayaa sheegay in Golaha uu horyimid Wasiirkii hore ee Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Dr. Imaan C/llaahi Cali,isagoona Golaha Su’aalo ay ka weydiiyeen Arrimaha Xajka iyo Cumrada gaar ahaan qiimaha sareeyo ee laga qaado Xujeyda Soomaaliyeed iyo adeegyada ay helaan.

Wuxuuna Wasiirka markaasi u sheegay Golaha Aqalka sare in Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ay u xilsaaran tahay dhammaan wixii quseeya Arrimaha Diinta iyo Awqaafta tilmaamayna in Wasaaradda leedahay sharuuc ama Xeer.

You might also like More from author

Comments are closed.