Saraakiil ka socota Wasaarada Arrimaha Gudaha oo gaaray Degmada Balcad

35

Gudaha

Xukuumada Somaliya ayaa waxay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ay u dirtay wefdi ka socda Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Xukuumada.

Saraakiisha ka socota Wasaarada Arrimaha Gudaha oo saakay ka amba baxay Magaalada Muqdisho, ayaa waxay gaareyn Degmada Balcad oo 30km u jirta Magaalada Balcad.

Saraakiishaan ayaa waxay u guda geli doonaan sidii loo soo afjari lahaa xaalada adag ee ka taagan Degmada Balcad, iyadoo dagaaladii shalay ka dhacay Degmada Balcad ay saameyn ku yeesheen dadka Deegaanka.

Sidoo kale wefdiga ka socda dhinaca Wasaarada Arrimaha Gudaha, ayaa waxaa la filayaa inay siyaabooyin kala duwan ula kulmaan Cabdi Jiinow Calasow iyo Cusmaan Maxamed Xaadoole, oo ay dagaaladu u dhaxeeyeen.

Ciidan ka amar qaata Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Dowladda Cabdi Jiinow Calasow, ayaa waxay maanta Degmada Balcad ku weerareyn Gudoomiyaha Degmada Balcad Cismaan Maxamed Xaadoole, xilli uu shir Xarunta Degmada Balcad uu kula lahaa Odayaal ku heyb ah.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.