Maka Al-Mukarama:Ciidamo Eeyo wata oo gaadiidka ku baaraya wadada

48

Ciidamada Booliska qaybtooda u tababaran Baarista Miinooyinka, ayaa maanta lagu soo daadiyay wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku baarayaan gaadiidka.

Ciidankaan ayaa ku sugan ka soo horjeedka Hotel Wehliye, gaar ahaan goobtii uu qaraxa ka dhacay Bishii aan soo dhaafnay ee Marso, halkaasi oo gaadiidka ay ku baarayaan.

Ciidamadan ayaa wata eeyo u tababaran u rinta waxyaabaha qarxa ee gaadiidka saaran, waxaana gaariga laga shakiyo ciidamada ay gelinayaan meel luuq ah oo ay ku baarayaan.

Booliska ayaa isku dayaya door muuqata inay ka qaataan suggida ammaanka Magaalada Muqdisho iyo ka hortagga qaraxyo Shabaab ay ka gaystaan Magaalada gudaheeda.

You might also like More from author

Comments are closed.