war xasaasi ah:Ciidamadii horay u joogay xarunta Golaha Shacabka oo dib loo soo celiyay

108

Wararka laga helayo xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka ayaa sheegaya in ciidankii horay u joogay xaruntaas dib loogu soo celiyay, labo todobaad kaddib markii ciidamo ay dirtay Xukuumadda ay la wareegeen xaruntaas.

Ciidamada Booliska ee gaarka u tababaran oo gaarayay 114 askari ayaa shalay gelinkii dambe dib loogu soo celiyay xarunta golaha shacabka, waxaana la faray in mas’uuliyadooda amniga ay gutaan, isla markaana dib loogu wareejiyay hubkooda iyo furayaashii xarunta

Arrintan ayaa ka dambeysay markii Madaxweyne Farmaajo uu soo farageliyay khilaafkii Baarlamaanka iyo Xukuumadda ee ka dhashay mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari.

Guddoomiye Jawaari ayaa horay ugu eedeeyay Xukuumadda inay ka dambeysay ciidamada la wareegay Xarunta, taasoo ku tilmaamay inay tahay mid u eg afgambi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dadaal ugu jira sidii xal looga gaari lahaa khilaafkan, waxaana uu shalay ku guuleystay in la baajiyo kulankii Baarlamaanka ee loo balansanaa, kaasoo laga cabsi qabay in buuq iyo fowdo uu hareeyo.

Faragelinta Madaxweynaha ayaa ka dambeysay baaqyo si isku mid ah uga yimid Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Siyaasiyiin iyo ururada bulshada oo ku baaqay in xaalada la dejiyo.

You might also like More from author

Comments are closed.