warxasaasi:Xafiiska Hanti Dhowrka guud oo Kiis Culus kusoo oogay Guddoomiye Jawaari

37

Xafiiska Hanti Dhowrka guud oo musuqmaasuq baahsan kusoo oogay Jawaari Xafiiska Hanti­dhawrka Guud ayaa daaha ka rogay musuqmaasuq ballaaran oo ka jira misaaniyadda Baarlamaanka iyo hannaanka shaqaaleysiinta keddib markii dabagal iyo baaritaan lagu sameeyay sida loo maareeyay lacagtii loogu tala galay in lagu socodsiiyo hawlaha Barlamaanka.

Warbixinta Xafiiska Hantidhawrka ayaa warbiixntooda ku yiri “waxaa noo muuqday khaladaad muujinaya inaan la raacin sharciga maamulka iyo maaliyadda ee dalka ee lambarkiisu yahay 317.

Inkastoo warbixinta ay muujineyso lacago uu Guddoomiye Jawaari iyo Xogyahihiisa ay ku takrifaleen oo la xiriirtay lacagaha lagu maareeyo hawlaha xafiiska, qarash loogu talagalay daryeel xildhibaannada, lacagaha guddiyada joogtada ah iyo hannaanka shaqaaleysiinta ee Golaha Shacabka ayaa haddana waxa ay kusoo koobeen waxyaabihii ay arkeen dhawkan qodob;

  1. Waxaa si khaldan loo isticmaalay lacagaha hawl maalmeedka (Running cost) oo laga bixiyo gunno shaqaale aan ka diiwaangashanayn Guddiga shaqaalaha Rayidka ah sida ay noo caddeysay Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda taasoo ka muuqata inaan loo raacin sharciga lambarkiisu yahay 317 ee 17/12/1962 qodobkiisa 6aad oo sheegaya inaan madax xige madax­xige kale lacagtiisa loo isticmaali karin.
  1. Lacagaha daryeelka badankoodu wax dukuminti ah oo faahfaahinaya (supporting document) oo lagu qanci karo maleh sida warqadaha caddeynaya in xildhibaanku Baaris Caafimaad soo maray iyo xisaab celinta lacagaha ku baxay caafimaadkiisa.

 

  1. Hay’adaha USAID, MAX PLAN iyo AWEPA wax heshiis ah lama galin Golaha Shacabka, haddana way wada shaqeeyaan, balse waxaa jira heshiis uu Golaha Shacabka la galay UNDP balse aan laga diiwanagelin Xafiiska Hantidhawrka Guud.
  1. Waxaan aragnay in qofka Jeega ku qoran iyo qofka saxiixa in ay isku mid yihiin taasoo ka hor imaanaysa hufnaanta iyo isla xisaabtanka.
  1. Gaadiidka Golaha Shacabka oo aan ku diiwaan gashanayn magaca Golaha Shacabka.

Warbixinta Hantidhawrka oo ka kooban 10 bog ayaa muujineysa in dhaqaale fara badan oo loogu tala galay Golaha Shacabka ah ay ku baxdo si khaldan waxaana lagu ogaaday in boqollaal kun oo Dollar la lunsaday taniyo 1dii Jannaayo 2016.

You might also like More from author

Comments are closed.