Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Jawaari oo saaka ku sii jeeda Turkiga

56

jawaari

Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa lagu wadaa iney saaka oo Axad ah u kicitimaan magaalada Ankara ee Caasimada dalka Turkiga. Wafdiga Afhayeenka Barlamaanka ayaa casumaad rasmi ah oo qaadan doonta 3 cisho ka helay madaxda sare ee dalka Turkiga.

Kulanka oo inta badan diirada lagu saari doono arrimo u badan xiriirka labada barlamaan iyo dhameystirka balanqaadkii Turkiga ee dhismaha xarunta barlamaanka cusub ee Soomaaliya taasoo dowlada Turkiga sheegtey in muddo sanad gudahiisa lagu dhameystiri doono.

Dowlada Turkiga ayaa horey u balanqaadey dhisme xarun cusub oo uu barlamaanku yeesho sanadkii hore, taasoo wasiirkooda arrimaha dibada Mr. Ahmet Davutoglu ka hor sheegey kulan ay barlamaanka Somalidu ku lahaayeen xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Idale News Muqdisho

 

You might also like More from author

Comments are closed.