Jawaari oo shir guddoomiyay kulankii guddiga joogtada Golaha Shacabka

92

Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa galabta shir guddoomiyay kulankii Guddiyada Joogta Golaha, iyadoo kulanka looga hadlayay sidii dib loogu bilaabi lahaa howlaha caadiga ahaa ee fadhiyada Baarlamaanka.

Kulanka ayaa waxaa ku sugnaa Guddoomiye kuxigeenka labaad Mahae Cawad, xubmaha Guddiyada iyo Hab dhowrayaasha, iyadoo uu ka maqnaa Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Muudey.

Wararka aanu heleyno ayaa sheegaya in kulanka lagu go’aamiyay ajandaha kulanka ugu soo horeeyay ee maalinta Sabtida in looga doodo arrinta Beledxaawo.

Xildhibaanada la baxay Guddiga Badbaadada Baarlamaanka ayaa xalay qoraal ay soo saareen ku shaaciyay inuu fashilmay Mooshinka Guddoomiye Jawaari, maadaama ay dhamaatay waqtigii loogu tala galay ee 10-ka cisho.

Hase ahaatee Xildhibaanada mooshinka ka keenay guddoomiye Jawaari ayaa qaba in mooshinka uu wali taagan yahay.

Maalinta Sabtida ee taariikhda tahay 31 bisha March Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Muudey ayaa go’aamiyay in laga doodi doono mooshinka Guddoomiye Jawaari.

Kulanka Sabtida ayaa laga cabsi qabaa inuu hareeyo qalalaase iyo fowdo, hadii labada dhinac ee Xildhibaanada kala qeybsan ay isugu yimaadaan kulan uu mid walba ajandihiisa gaar u yahay.

You might also like More from author

Comments are closed.