Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOM oo waqtiga loo kordhiyay

57

Golaha Ammaanka ayaa meel mariyay qaraar waqtiga loogu kordhinayo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOM, kaasoo muddo xileedkiisa la gaarsiiyay 31 bisha March 2019.

Fadhi Golaha Ammaanka shalay ku yeeshay magaalada New York ayaa waxaa looga hadlay howl galka Xafiiska UNSOM ee dadaalada nabadda, dib u heshiisiinta iyo taageerada uu siiyo dowladda Soomaaliya.

Qaraarka loogu kordhiyay waqtiga ayaa waxaa soo jeediyay dowladda UK, waxaana waqtiga Xafiiska UNSOM ku ekaa 31 bishan ee sanadkan 2018, waxaana loogu kordhiyay sanad kale.

Sidoo kale qaraarkan ayaa ku baaqaya in laga hortago wax kasta oo xasarad ka abuuri kara gobolka iyo muranada hoos u dhaca keeni kara.

Xafiiska UNSOM ayaa la aas aasay sanadkii 2013, waxaana lagu soo saaray qaraar tirsigiisu yahay 2,102, waxaana ujeedada aheyd inuu dowladda Federaalka ka caawiyo dhinacyada horumarka, nabadda, dib u heshiisiinta.

You might also like More from author

Comments are closed.