Mudane Maxamed Cabdullahi Farmajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Muritaaniya

77

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjaraha cusub ee dalka Muritania wakiil ugaga noqon doona dalka Soomaaliya.

Danjire Wadaadi ayaa Madaxweyne Farmaajo u gudbiyay Salaan uu uga siday Madaxweynaha Dalka Muritaaniya Mudane Maxamed Walad Cabdul Casiis, isaga oo intaa ku daray in Dowladda Murataaniya uu ahmiyad gaar ah u leeyahay xiriirka ay Soomaaliya la leeyihiin.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa farriin uu diray Safiirka Muritaaniya ee Soomaaliya, wuxuuna uga mahad celiyey Madaxweynaha Dalkaas Mudane Maxamed Walad Cabdicasiis iyo Dowladdisaba sida ay diyaarka ugu yihiin xoojinta xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya, isagoona rajeeyey in xiriirkan uu asaas u noqdo iska kaashi buuxa oo dhex mara labada Dal.

You might also like More from author

Comments are closed.