Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta oo wada kulmay (Daawo Sawirada)

44

 

4

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamuud ayaa maanta safar kooban oo shaqo ku gaaray magaaladda Mombasa ee Kenya halkaasna wuxuu kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Mudane Uhuru Kenyatta.

Waxaa Madaxeynaha ku wehliyay R/Wasaare K/Xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Marwo Fawsiya Yusuf Xaaji Aadam, iyo Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax C/Qaadir.

“Waxaan fursad u helay in aan Madaxweyne Kenyatta ku wargeliyo Shirka Lonodon ee dhici doona asbuuca soo socda iyo danaha ay Soomaaliya ka leedahay. Waxaa kale oo na dhexmaray wada hadalo wanaagsan oo la xariira arrimo dhowr ah oo anaga oo dhan dan noogu jirto. Waxaa naga dhexeeya dano farabadan, waxaana naga go’an in aan ka wada shaqeeyno in Bariga Afrika uu noqdo meel horumar iyo nabad leh.”

“Sidoo kale waxaan ka hadalnay in Al-Shabaab iyo fikirkooda wixii wata laga hortago si ayna u faafin fikirka xag jirka ah ee ku saleysan argagixisadda.” Bur-burka soo gaaray Al-Shabaab ayaa wuxuu keenay in ay bilaabaan xasuuqa Shacabka” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu danbeytii ayaa waxaa laga hadlay qaabkii ay qaxootiga Soomaaliyeed ugu noqon lahayeen dhulkooda hooyo. Taasna waxa leysla gartay in ay dhici doonto marka loo diyaariyo qaab ay dalkooda ku soo noqdaan.

4

1

2

7

6

5

3

4

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.