Deg deg:Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay agagaarka Isgoyska Sayidka ee Muqdisho

80

Qarax xooggan ayaa goor dhow laga maqlay magaalada Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga Isgoyska Sayidka oo ay bar koontarool ku leeyihiin Ciidamada Madaxtooyada.

Wararka ayaa sheegaya in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay meel ku dhow koontaroolka ciidamada oo aan sidaa uga fogeyn Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Qaraxa kaddib ayaa la maqlay rasaas ay ridayaan ciidamada, waxaana wararka horudhaca ay sheegayaan gaariga qarxay uu ahaa kuwa raaxada ah.

Waxaa la soo sheegayaa inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaa goobta gaaray gaadiidka gurmadka degdega ee Ambulance loo yaqaano.

Xaalada ayaa ah mid cakiran, iyadoo isu socodka uu istaagay, waa marki labaad oo qarax ka dhaco inta u dhaxeysa Agagaarka sayidka illaa irida hore ee Madaxtooyada, halkaasoo bishii hore ay weerar qarax iyo mid toos ka geysatay koox ka tirsan Al-Shabaab.

La soco wixii warar ee ku soo kordha.

You might also like More from author

Comments are closed.