Degmada Yaaqshiid:Bam Gacmeed lagu weeraray guri dad shacab deganaayeen oo ku yaala

61

Bam gacmeed ayaa xalay lagu weeraray guri dad shacab ay degenaayeen oo ku yaalla meel u dhow xarunta degmada Yaaqshiid.

Labo ruux oo ahaa gabar iyo eedadeed ayaa ku dhaawacmay bam gacmeedka, waxaana gabadha lagu magacaabayay Faa’izo Axmed, halka eedadana magaceeda lagu sheegay Fahmo Cabdulle.

Dhaawacyada gabadha iyo eedadeed ayaa loo qaaday isbitaalada maxaliga, waxaana la sheegay in xaaladooda aanay halis ku jirin, marka laga reebo firiro galay.

Qoyskan bam gacmeedka lagu weeraray ayaa sanadkii hore 2017 waxaa gurigooda hortiisa ku qarxay gaari uu lahaa wiil ay ehel ahaayeen, kaddib markii waxyaabaha qarxa loogu xiro oo uu u dhintay, waxaana lagu magacaabayay Xasan Maxamuud oo la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada dowladda.

Dadka deegaanka ayaa walaac ka muujiyay qoyska dhibaatada ka soo gaartay bam gacmeed oo markii horena qof ehel ahaa looga dilay qarax, waxaana ay tani ka mid tahay dhacdooyinka xanuunka leh ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.