X/badan oo kusoo laabtay Muqdisho iyo olole xoogan oo caawa socda

104

Magaalada Muqdisho waxaa shalay iyo maanta soo gaaray Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaa oo mudooyikii ugu dambeeyay dalka dibadiisa ku sugnaa.

Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka ayaa ka dalbaday Xildhibaanada fasaxa horey loo siiyay  iyo kuwa kale ee dalka ka maqan in ay si deg deg ah ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa durba lakala saftay labada garab ee u kala jabeen Baarlamaanka Federaalka, waxaana la sheegay inta badan Xildhibaanada soo laabtay in ay ku biireen Xildhibaanada mooshinka ka keenay Jawaari.

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda olole xooga  ay wadaan xubno Guddiyo ah oo katirsan labada garab ee Baarlamaanka, xubnahan ayaan kala xod xodanaya Xildhibaanada dalka ku sugnaa iyo kuwa Muqdisho dib ugu soo laabtay.

Hoteelo kuyaala magaalada Muqdisho caawa waxaa ka socda kulamo iska soo horjeeda ay yeelanayaan labada garab ee Xildhibaanada, waxa ayna dhinac walbo wadaan abaabul iyo kasbashada Xildhibaanada qaar.

Xildhibaanada Mooshinka ka wada Gudomiyaha Baarlamaanka ayaa dhawaan sheegay in ay gaarayaan in ka badan 19- Xildhibaan , halka Xildhibaanada Jawaari taageersan iyana sheegayaan in ay heestaan codad ku filan ay ku difaaci karaan Jawaari.

Gudoon ka Baarlamaanka ayaan wali shaacin xiliga la qabanayo kulanka Baarlamaanbka ee Mooshinka lagu horgeenayo, waxaan sidoo kale wali kala cadeyn halka lagu qaban doono kulankan oo ah mid xasaasi ah.

You might also like More from author

Comments are closed.