X.Aqalka Sare oo go’aan adag kasoo saaray Weerarkii Guriga C/Qeybdiid & Gudi cusub oo….

48

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay magacaabaan Guddiga baaritaanka weerarkii lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Qeybdiid, dhamaadkii sanadkii hore 2017.

Cabdi Qeybdiid oo todobaad ka hor ka hadlayay kulanka Xildhibanada Aqalka Sare ayaa ka dalbaday in guddi loo saaro arrintiisa, isagoo muujiyay sida aanu ugu qanacsaneyn Guddi Madaxweynaha horay ugu saaray.

Wararka ayaa sheegaya in Guddigan ay heystaan muddo gaaban, si ay ugu dhawaaqaan natiijada baarista oo aanay u dheeraanin.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa horay u ansixiyay in Guddi loo saaray kiiska weerarka Guriga Cabdi Qeybdiid oo uu horay ugu eedeeyay inay ka dambeeyeen Ciidamo uu tababaray Imaaraadka Carabta oo kaashanayay Ciidamada Nabadsugida Gobolka Banaadir

You might also like More from author

Comments are closed.