Mudane Xassan Cali Kheyrre “Cadowga aan la dagaallameyno waa mid caaddeystay gumaadka shacabka”

66

R.wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayrre ayaa ka tacsiyeynaya dadkii ku geeriyooday  qaraxi ka dhacay afaafka hore ee Hotel Wehliye.

“Aniga oo ku hadlaya magaceyga iyo kan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaan ka tacsiyeynayaa dadkii qiimaha badnaa ee nooga baxay qaraxii ka dhacay afaafka hore Hotel Wehliye ee Muqdisho” ayuu yiri R/wasaaraha dalka.

“Cadowga aan la dagaallameyno waa mid caaddeystay gumaadka s”hacabka, waana mid adeegsanaya xeelado kala duwan oo ay ka mid tahay midda maanta dhacday.” ayuu yiri R/wasaare Khayre.

R.wasaaraha ayaa u rajeeyay shacabkii ku dhaawacmay qaraxan in uu Alle bogsiiyo, waxuuna sheegay in ay dowladdu si dhaw ula soconayso xaaladda bukaannada dhaawacoodu daranyahay.

You might also like More from author

Comments are closed.