Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Culus oo dhax maray Ciidamo kawada tirsan Dowlada

36

howl_gal_kumanaan_6

Wararka aan caawa ka heleyno Degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhaxe ayaa sheegaya in xaaladaa tahay mid dagan kadib dagaal culus oo Maanta ciidamo kawada tirsan Dowlada Soomaaliya halkaasi ku dhax maray.

Ciidamo kawada tirsan Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Ciidamo taageersan Gudoomiyaha Degmada Balcad Cismaan Xaadoole iyo Ciidamo kale oo katirsan Milatariga ayaa dagaal xoogan oo dhaliyay Qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac maanta halkaasi ku dhax maray.

Inta la xaqiijiyay ilaa Sadax qof oo u badnaa Dhinacyadii dagaalamay ayaa ku geeriyootay Dagaalka Maanta dhax maray Ciidamada kawada tirsan Dowlada tiro kale oo intaa kabadana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray.

Ciidamo katirsan AMISOM ayaa kusoo baxay labada Dhinac ee dagaalamaya iyagoona dhax dhigay xabad joojin labdaa dhinac sidoo kale kala qaaday labada ciidan inkastoo ee wali ku sugan yihiin Ciidamada Dagaalamaya qeybo kamid ah Degmada Balcad.

Ma jiraan wax war ah oo ku aadan Dagaalka maanta ka dhacay Degmada Balcad oo kasoo baxay Dowlada Soomaaliya , mana ahan dagaalkii ugu horeeyay oo ciidamo kawada tirsan Dowlada ku dhax maray Degmada Balcad iyo Goobo kale ee Dowlada Soomaaliya gacanta ku heyso.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.