Wasaaradda Amniga oo war ka soo saartay dagaal ka dhacay Muqdisho & NISA oo laga ceyriyay isgoyska Tarabuunk

74

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa iska hor imaad  u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ka dhacay Isgoyska Tarabuunka degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaare u badan dhaawacyo.

Ciidamada Dagaalamay ayaa ka kala tirsan Kumaandooska Soomaaliya ee ka tirsan milatariga iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 7 qof oo isugu jira Ciidamadii dagaalamay iyo Shacab ka agdhawaa Isgoyska oo rasaasta ay haleeshay.

Sidoo kala waxaa jira warar kale oo sheegaya in uu jiro dhimasho soo gaartay dhinacyadii dagaalamay, dad joobjoogayaal ah ayaa sheegay in uu dagaalkaas ku geeriyay ku dhawaad laba Askar oo dhinacyadii dagaalamay ah.

Saraakiisha Dowladda ayaa sheegay in ay jiraan isku dhacyada Ciidamada waxayna cadeeyeen in uu ka dhacay Inta u dhaxeysa Tarabuunka iyo Isgoyska Warshadda Caanaha ee magaalada Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.