M.Farmaajo dhex dhexaad maka yahay khilaafka Baarlamaanka iyo Xukuumadda ?

106

Tan iyo markii uu soo baxay khilaaf hareeyay xildhibaanada Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ee ka dhashay Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa dalka u muuqdaa mid galay qalalaase siyaasadeed oo ay adag tahay sida looga baxo, haddii xal aanu imaan.

Xildhibaanada ka soo horjeeda mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa ay aaminsan yihiin in mooshinka uu yahay mid laga soo abaabulay Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Halka xildhibaanada mooshinka riixaya ay ku eedeynayaan guddoomiyaha baarlamaanka inuu yahay qof aan wadi karin baarlamaanka dib u dhac badana uu ku keenay.

Hase ahaatee abaabulka mooshinka iyo qaabka uu soo socday ayaa la sheegayaa in Madaxweynuhu wax ka ogaa, maadaama sida muuqata ay arrintan hoos ka wadeen Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Agaasimaha Madaxtooyada, taasna ay hubanti ka dhigeyso in Madaxweynuhu la socday.

Inkastoo Madaxweyne Farmaajo uu muddo todobaad ah ku sugan yahay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, howl maalmeedkiisa shaqo u wareejiyay ayaa waxay dadka qaar aaminsan yihiin in Madaxweynuhu iska sii fogeeyay inuu raad ku yeesho arrintaas, maadaama ololaha ugu xooggan ee lagu riday Jawaari uu ka socday Madaxtooyada.

Xildhibaan Aamino Cabdi oo ka mid aheyd Guddi Haweenka Xildhibaanada Baarlamaanka oo Madaxweynaha ugu tagay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa shaki gelisay dhex dhexaadnimada Madaxweyne Farmaajo ee khilaafka ka dhex jira baarlamaanka iyo Xukuumadda.

Indhawaalaba waxaa la sheegayay in Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Jawaari uu ka dhaxeeya is faham la’aan kala duwan, sidoo kale dhowr jeer safaro Madaxweynuhu dibadda u aaday aanay is arkin, maadaama sida sharciga qabo marka Madaxweynaha dalka dhoofayo ay tahay inuu Kusime noqdo Guddoomiyaha Baarlamaanka, hadii uu dalka joogo.

You might also like More from author

Comments are closed.