Muqdisho:5carruur ah iyo hooyadood oo ku dhintey guri ku gubtay magaalada

61

Shan carruur ah,hooyadood iyo qof marti u ahayd ayaa ku dhintey kadib markii saqdii dhexe ee xalay uu dab qabsaday guri ku yaal degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Dabkan ayaa sidoo kale waxaa dhaawac culus ka soo gaaray Axmed Cali oo ahaa aabaha qoyska iyadoo ay ku gubteen dhammaan wixii hanti ay lahaayeen qoyska.

Wararka ayaa sheegaya in aabaha dhalay qoyska uu ku baraarugay dabka balse uu ka soo saaray hooyada dhashay carruurta balse ay diiday oo ay isku dayday inay carruurta ka soo badbaadiso dabka.

Sababaha lama garanaayo, waxii soo kordho wararkeyna dambe kala soco..

You might also like More from author

Comments are closed.