Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Maanta kormeer shaqo ku yimid xarunta Wasaaradda Warfaafinta

89

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Maanta kormeer shaqo ku yimid xarunta Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

Mudane Mahdi ayaa waxaa Wasaaradda ku soo dhaweeyay Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Sh. Yuusuf (Al-Caddaala) iyo Agaasimeyaasha Waaxyaha ee Wasaaaradda.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa intaa ka dib waxa uu kulan la qaatay Ku simaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir ku xigeenka Mudane C/raxmaan Iidaan Yoonis iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta C/raxmaan Sh. Yuusuf (Al-caddaala), isagoo ka dhagaystay war bixin ku aaddan howlaha shaqo ee ay wasaaraddu u hayso Qaranka Soomaaliyeed.

You might also like More from author

Comments are closed.