DEG-DEG:- DAAWO:- Guddoomiye Jawaari oo daaha ka rogay sir culus oo qarsoonayd iyo sababta caawo loola wareegay xaruntii barlamaanka Soomaaliyeed

100

Gudoomiye Jawaari ayaa xaqiijiyey in ciidamo Raysal wasaaraha Soomaaliya ka Amar qaata ay la wareegeen xaruntii Golaha Shacabka, isagoo ku tilmaamay tilaabo fool xun oo dhaawac ku ah qaranimada Soomaaliya iyo xad gudub ka dhan hay’adda sharci dajinta dalka.

Guddoomiye Jawaari waxaa uu sheegay xukumadu inay weerar kusoo qaaday Barlamaanka, mooshinkiisana uu sabab iyahay Arimo Qaranimada ka hor imanaya oo uu diiday in uu saxiixo.

“Raysal Wasaare Kheyre ayaa si toos ah ula wareegay xaruntii barlamaanka, ciidamadii difaaca xarunta golaha waa laga wareejiyay, waxaa la keenay ciidamo kale, waxaan halkaan ka cadeynayaa wixii masuuliyad ah oo

 

arrintaan ka yimaada waxaa si toos ah u qaadanaya raysal Wasaare Kheyre,” ayuu yidhi Jawaari oo goor dhowayd shir jaraa’id saxaafada u qabtay.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa in barlamaankii Soomaaliya uu gacantaydii ka baxay  lana wareegay Raysal Wasaare Kheyre,” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Warka Wuu Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

You might also like More from author

Comments are closed.