Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya oo Muqdisho ku dilay labo Wiil oo Walaalo ah mid kalana dhaawacay

42

howl_gal_kumanaan_6Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa xalay Rasaas Culus oo dhimasho iyo dhaawac sababtay waxa ee ku fureen Wiilal Dhalinyaro ah iyo Nin isna la sheegay in uu katirsanaa Ciidanka Dowlada.

Inta la xaqiijiyay Rasaastan Ciidamada Dowlada Fureen ayaa waxaa ku dhintay Labo Wiil oo ilmo Habreed ah halka mid kale oo Wiilashaas midkood la dhashayna uu ku dhawacamy Rasaasta ee fureen Ciidanka Dowlada Soomaaliya.

Dhacdadan ayaa ka dhacday Xaafada Ex- Telifishinkii qaranka ee Degmada Yaqshiid waxaana geestay Ciidamo katirsan Dowlada oo halkaasi sal dhig Ciidan ku lahaa sida ee goob joogayaaal Warbaahinta u xaqiijiyeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Rasaasta la huwiyay Dhalinyaradan ee ka dambeesay Xurguf ka dhaxeesay mid kamid ah Dhalinyarada la dilay oo katirsanaa Ciidanka Dowlada iyo sidoo kale Ciidamo kale oo iyana katirsan Dowlada taa oo keentay in Rasaas ku fureen.

Idale News Muqdisho

Dilkan ka dhacay Degmada Yaqshiid ayaa keenay naxtin iyo hadal heyn badan, mana jiraan wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Dowada ee Degmada Yaaqshiid oo ku aadan Dhacdadii xalay ka dhacday Degmadaasi.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.