Barack Obama Oo Uga Digay Gabdhihiisa Iney Sameystaan Tattoo + Video

28

1234

Madaxweynaha Mareykanka Barrack Obama ayaa uga digay gabdhihiisa iney jirkooda ku sameystaan sawirada tattooga.

Labadaba gabdhood ee Obama Malia iyo Sasha oo da’doodu kala ah 14 jir iyo 11 jir ayaa la sheegay iney doonayeen iney sameystaan tattoo’s,wuxuuna uga digay iney arintaas ku dhaqaaqan asagoo ugu hanjabay in asaga iyo xaaskiisa Michell ay ayaga sameysan doonaan mid la mid ah midka ay gabdhaha sameystaan isla goob lamid ah goobta ay jirkooda ku sameeyaan tattoo’s, islamarkaana ku soo bandhigi doonaan .youtubeka tattooska ay sameysteen qoyskiisa oo dhan.

Hadalkan ayuu Obama ka sheegay barnaamij ka baxaayey us today show arbacadii hore haseyeesha la sii daayey todobaadkan.

Arintaan ayaa timid kadib markii la weydiiyey Obama qaabka ay u maareeyaan dalabaadyada adag ee carruurta wuxuuna shaaca ka qaaday in asaga iyo gabdhihiisa uu dhexmaray arin ku saabsan tattooga isagoo uga digay iney ku fekeraan arintaasi .
Michelle Obama ayaa horey usheegtay in gabdhaheeda aan loo ogoleyn iney isticmaalan aalada facebookga

 Halkaan Ka Daawo Hadalka Madaxweyne Obama

[vsw id=”vd8tq5RDCEc” source=”youtube” width=”425″ height=”344″ autoplay=”no”]

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.