Dagaalo culus oo ka soconaaya Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

50

breaknewsDagaalo xoogan ayaa waxay xilligaan ka sii soconayaan Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaan adag in xog dhab ah laga helo khasaaraha guud ee uu geysanaayo dagaalka.

Ciidan ka tirsan Dowladda oo ka soo baxay Xerada Ciidamada Militariga ee Hiilweyne, ayaa waxay soo weerareyn Gudoomiyaha Degmada Balcad Cusmaan Maxamed Xaadoole, oo ku sugnaa Xarunta Degmada Balcad.

Markii la soo weeraraaya Gudoomiyaha Degmada Balcad, ayaa wuxuu kulan uu Xarunta Degmada uu kula lahaa qaar ka tirsan Odayaasha Deegaanka.

Ciidamada Ilaalada Gudoomiyaha ayaa waxay iska caabin ay ugala hortaggeen Ciidamadii weerarka ku soo qaaday, waxaana iminka lagu soo waramayaa inuu dagaal xoogan ka sii soconaayo Degmada Balcad.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaaladaan ay salka ku hayaan, Gudoomiyaha Degmada Balcad Cusmaan Maxamed Xaadoole, oo la sheegay in wax kasta uu u dhiibay rag ku beel ah, beelihii kalana uu wada qadiyay.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.