Dowladda Maraykanka oo si cad u sheegtay inay Taagereyso Midnimadda Somalia

56

KKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ee Arrimaha Siyaasadda Wendy Sherman ayaa sheegtay inay Kulan la qaadatay Madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo oo booqasho ku jooga Magaaladda Washington, waxa ayna sheegtay Wendy Sherman inay Siilaanyo kala hadashay Kaalinta Dowladda Maraykanka kaga aadan Arrimaha Somalia iyo Taageerida Midnimadda Somalia.

Warbixin ay Wendy Sherman, soo saartay ayee waxa ay ku sheegtay inay kala hadashay in Dowladda Maraykanka Horumuud u noqon doonto Dowladaha u halgamaya Mideynta Somalia iyo ka dhalinta xasilloonida,Nabadda, Horumarka.

Wendy Sherman, waxa ay si cad u sheegtay inay si xooggan u taageereyso xasilloonida iyo midnimada dalka Soomaaliya, xilli uu socdo wadahadallo u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, isla markaana Dowlada Maraykanka buuxin doonto kaalimaha kaga aadan dhan waliba.

Dhanka kale, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ee Arrimaha Siyaasadda Wendy Sherman waxa ay sheegtay inay Dowladda Maraykanka ay si gaar ah isha ugu heyso Siyaasadaha Dowladda Somalia ay muddooyinkaani ku talaabsaneyso, waxayna Tilmaamtay in Dowladda Maraykanka ay taageereyso sii socoshada wada-hadallada u dhexeya xukumada dhex ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ee ka dhacay Turkiga iyo weliba kan la filaayo inuu May ka dhaco Magaaladda London ee Cariga Dalka Ingriiska.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.