Dowladda Uganda oo ka digtay Weerar ka imaada dhanka Maleeshiyadda Xagjirka Somalia

28

ggggguguvvguygygy

Boliska Uganda ayaa sheegay inay heleen warbixino loo qaatan ah, taasi oo muujineysa inay Maleeshiyadda Alshabaab qorsheynayaan inay weerar ka fuliyaan gudaha Uganda.

Afhayeenka Boliska Uganda, Judith Nabakooba, ayaa shalay Shir Jaraa’id ka sheegaya inay heleen Xog rasmi ah oo la xiriira qorshaha weerarka ee Kooxda Alshabaab, wuxuuna intaa ku daray inay Ciiddamadda Ammaanka ku jiraan heegan si ay uga hortagaan Qaraxyada ay malegayaan.

Hadalka Afhayeenka ayaa waxa uu ku soo beegmaya, iyadoo Dowladda Maraykanka ka digtay inay Xagjiriinta Alshabaab qorsheynayaan inay Falal Argagixisnimo ka geystaan dalalka Ciiddamadda ka joogan Somalia.

Bisha July ee sanadkii 2010-kii, waxay kooxda Alshabaab sheegatay Mas’uuliyadda weeraro ka dhacay Caasimadda Dalka Uganda ee Kampala oo ay ku geeriyooden ugu yaraan 76-qof kuna dhawacmeen 70 kale.

Weeraradaasi iyo Qaraxyadaasi ayaa lala beegsaday dad daawanaayay Cayaartii fiinaalka ee kubada cagta aduunka ee lagu qabtay South Africa.

Xigasho:- GlobalPost.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.