Cali Khaliif Galeyr oo ka jawaabay Hadal uu Warbaahinta ka yiri Guddoomiyaha Xisbiga UCID

43

ytrvcdfdfdrdtcdfg cvf

Cali Khaliif Galeyr Aqoon yahaan ahna Siyaasi xubin firfircoon ka ah Baarlamaanka Somalia, ayaa waxa uu si kulul uga jawaabay Haddal dhawaan ka soo yeeray Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Maamulka Somaliland ee UCID.

Cali Khaliif Galeyr oo ka jawaabayay  haddalkaasi ayaa waxa uu ugu horaynba waxaan Caqli Gali Karin ku tilmaamay hambalyo Eng. Faysal Cali Waraabe uu u diray Guddoomiyaha Barlamaanka Somaliya Md. Mohamed Sheikh Cisman (Jawaari) Waxa uuna markale Cali Khaliif ku Adkaystay inuu Mooshinka horkeeni doono Golaha wakiiladda Somalia.

Dhanka kale, Cali Khalif Galeyr waxa uu sheegay in aanay aqoon u lahayn Faysal Cali Waraabe Balse uu ka Maqlay Saxafadda Magaciisa waxa uuna sheegay inuu yahay sida uu ka aaminsan yahay nin iska hadla, sida uu hadalka u dhigay.

Cali Khaliif waxa uu yiri “Mooshinka Baarlamaanka Waa la horkeenayaa Faysal Cali Waraabe aqoon uma lihi balse magaciisa waxan ka maqlay Saxaafadda laakiin waxan aaminsanahay inuu yahay mid iska Hadla oo aan waxba u dhimi doonin Mooshinka” sidaa waxaa yiri Cali Khaliif Galeyr oo ka jawaabayay haddal ka soo yeeray Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID ee Maamulka Somaliland.

Sidoo kale, Cali Khaliif waxa uu sheegay in Baarlamaanka Somalia la horgeyn doono wax waliba oo ay Xildhibaanada u arkaan inay keeni karto dhibaato, wuxuuna Tilmaamay in mar kale uu Mooshinka hor keeni doono Baarlamaanka loona baahan yahay inay ka arinsadaan Arrimaha Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Cali Khaliif ayaa meesha ka saaray in Eng Faisal Cali Wareebe u leeyahay Aqoon balse uu u arko Ruux Hamigiisa ka baahiya Warbaahinta taasina aysan dhaawac u geysan doonin Horumarka Somalia.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.