Topnew:Xildhibaan Axmed Fiqi oo weerar afka ah ku qaaday dowlada Imaaraadka iyo madaxda maamullada

82

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa dowlada Imaaraadka Carabta ugu baaqay inay faraha kala baxdo arrimaha dowlada Somalia.

Xildhibaan Axmed Fiqi, ayaa sheegay in dowlada Imaaraadka Carabta ay ilowday madaxbanaanida Somalia, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Somalia ay ka gudbi doonto halka ay iminka taagan tahay, isla markaana mar un ka jawaab celin doonto faragalinta ay kala kulmeyso Imaaraadka.

Axmed Fiqi, waxa uu tilmaamay inuu garwaaqsan yahay in Imaaradaha Dubai iyo kuwa kale ee Imaaraadku leeyahay aysan ka raali noqon doonin faragalin ay ku sameyso Somalia, hase ahaatee aysan Somalia aqbali doonin in amuuraheeda ay soo faragaliso Imaaraadka.

‘’Waxaan leeyahay Imaaraadka idinma aan faragalin ee naga daaya faragalinta, waxaan taariikhda ku heysanaa in dowladeenii hore ay garab siin jirtay Imaaraadka xili ay heysatay dhibaato’’

‘’Tallooyinkeena waxaa kamid ahaa in Wasaarada arrimaha dibadda Somalia ay u yeerto Safiirka Imaaraadka u fadhiya Xamar waxna ka weydiiso eedeymaha ay u jeediyeen si uu uga jawaabo’’

‘’Waxaan ka dooneynaa inuu madax-baneeyo amadax-banaanida Somalia oo uu faraha kula jiro’’

Waxa uu Xildhibaanka sheegay in Dowlad Goboleedyada ka jira dalka ay ka xishoodaan in laga horgeeyo dowlada Somalia, isla markaana ay ku dadaalan Qaranimada Somalia.

Axmed Fiqi, waxa uu sheegay in Madaxda Dowlad Goboleedyada ay ku jiraan kuwo xilal kala duwan kasoo qabtay Dowlada, wuxuuna cod dheer ku sheegay in arrin fool-xun ay tahay inay ka shaqeeyan howlo kale, isagoo ugu baaqay inay hoosyimaadan dowlada Dhexe

You might also like More from author

Comments are closed.