QM iyo Masar oo ka wada hadlay Arrimaha Somalia

24

yhvbgffg

Xoghayaha guud ee QM, Ban Kii Moon iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Mohamed Kamel Al Amr, ayaa shalay kulan Khaas ah ka yeeshay Arrimaha Bariga dhexe iyo Somalia.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta QM ee New York, ayaa waxa uu Ban Kii Moon ku amaanay Dowladda Masar dadaalkeeda ku aadan Nabad raadinta Bariga dhexe iyo sidii dalka Somalia looga dhalin lahaa Nabad iyo degnaansho.

Haddal qoraal oo ka soo baxay QM ayaa lagu sheegay inuu Ban Kii Moon ugu baaqay Dowladda Masar inay tixgaliso dhamaan cododka dadka reer Masar.

Dhinaca kale, ku-xigeenka Xoghayaha guud ee QM ee arrimaha Siyaasadda, Jeffrey Feltman, ayaa sheegay inay QM ka taageereyso Somalia dadaalka ku aadan Nabad dhisida (Peacebuilding).

Mas’uulka ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu kulan la yeeshay 15-ka Xubnood ee Golaha Ammaanka QM, wuxuuna xusay in Dowladda Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud ay horumar ka sameysay Lixda qodob ee Aasaaska u ah Degnaan shaha iyo Nabad dhisida Somalia iyo Maamul u sameynta Gobaladda.

Jeffrey Feltman, wuxuu kaloo qiray inay Dowladda Somalia ka soo horjeedo Shirka Maamul u sameynta Jubbooyinka ee Konfurta Somalia, isagoo xusay inay Dowlada Tilmaamtay in Maamul u sameynta haatan ka socta Kismaayo ay tahay mid ka hor imaaneysa Axdi Qarameydka Somalia.

Mas’uulka waxa uu kaloo sheegay inay QM dhiseyso guddi Cusub oo Siyaasadeed (a new political Mission ) kaasi oo Dowladda Somalia gacan ka siinaayo Nabad sameynta iyo dhismaha Ajandayaasha Dowladda.

Golaha cusub ayaa lagu wadaa in lagu bedelo Xafiiska Siyaasadda QM ee arrimaha Somalia (UNPOS),oo haatan Xafiiskooda ku yaalo Nairobi.

Xigasho:- KUNA.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.