Barre Hiiraale oo sheegay inay suura gal tahay, dagaalo sokeeye oo markale ka dhaca Jubbooyinka

40

Hiiraale1

Siyaasiga Barre Hiiraale ayaa wuxuu sheegay inay suurta gal tahay dagaalo sokeeye oo markale ka dhaca Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Barre Aadan Shire oo loo yaqaano Barre Hiiraale ayaa wuxuu sheegay inuu si khaldan uu ku soconaayo shirka ka soconaaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Barre Hiiraale ayaa wuxuu sheegay in shirka lagu wado in laga soo dhiso Maamulka Jubbaland, si uu uga arrimiyo Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Hadaba wuxuu tilmaamay inaan loo dhameyn shirka ka soconaaya Magaalada Kismaayo, isagoo farta ku fiiqay in shirka uu si habsami leh uu ugu soconaayo hal beel oo kaliya.

Haddii uu shirka uu sidaan ku sii socdo ayuu sheegay inay markaasi khasab tahay, in dadka degga Gobolada Jubbooyinka ay markale la kulmaan dagaalo sokeeye.

Barre Hiiraale ayaa wuxuu ku taliyay inaan lagu deg deggin Dhismaha Maamulka Jubbaland, waayo buu yiri waxaa ka dhalan karta dhibaato, horey looga soo gudbay.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.