Mudane Xassan Cali Kheeri ’Qorshaha aan degnay ayaa al-Shabaab u diidi doona inay kusii dhex noolaadan shacabka Muqdisho waana inoo dagaal’’

90

Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Somalia Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dhawaan magaalada Muqdisho ay ka bilaaban doonaan Howlgallo culus oo lagu xaqiijin doono ammaanka.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa tilmaamay in ciidamada Xasilinta ee u xilsaaran ammaanka magaalada Muqdisho ay udiyaariyeen ilaaa iyo kun Askari.

Waxa uu sheegay in ciidamadaasi ay isugu jiraan Millitari, Boolis, Nabadsugid, Asluub, iyo AMISOM, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in mudada ay ciidamada ku guda jiraan howlgalada loo dhameystiri doono dhammaan wixii tashiilaad ah, si buu yiri ay uga dhabeeyaan hadafka howlgalka

You might also like More from author

Comments are closed.