Degmada Wadajir: Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta XFS oo booqday Jamacada Ummadda Xarunteeda …

73

Wasiirka Howlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta, Eng. Sadiq Abdullahi Abdi iyo wafdig uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagay Jamacada Ummadda Xarunteeda degmada Wadajir.

Booqashada Wasiirka oo ay ku wehliyeen Qubaro iyo Injineero xagga dhismaha ayaa waxa ay salka ku heysay sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa bilicda Jaamacadda, si dib u dhis loogu sameeyo.

Wasiirka ayaa la kulmay masuuliyiinta Jamacada iyo Ardada, isaga oo warbixin ka dhageystay Maamulka sidoo kale Ardeyda wax ka weydiiyay cashirada ay qaadanayeen ee la xiriiray Enjineerinka.

Sadiq Abdullahi Abdi  ayaa amaan iyo bogaadin u jeediyay Ardeyda wax ka barata Jaamacadda Umadda, waxa uu balan qaaday in Ardeygii sameeya dadaal dheeri ah  ay shaqaaleysiin doonto Wasaaradda Howlaha guud.

You might also like More from author

Comments are closed.