Waxaa Galabta  Magaalada Kismaayo soo garay wafdi uu hor kacayo Wasiirka Hawalaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya Saadaq Cabdullhi Cabdi

96

Waxaa Galabta  Magaalada Kismaayo soo garay wafdi uu hor kacayo Wasiirka Hawalaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya Saadaq Cabdullhi Cabdi ;safarka wasiirka waxa qayb ka ahaa Safiirka Dalka Turkiga u fadhiyo Soomaaliya  Olgan Baker iyo xubno kale oo muhiim ah

Ujeedada imaatinka wafdiga ayaa ahayd sidii ay magaalada  kismaayo iyo Magaalada Antaaliya ee Dalka Turkiga loo mataneen lahaa waxaana xusid mudan in arimahaasi  ay kala  xaajoon doonan  Madaxda Dowlad Goboledka Jubbland  .

Waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay Masuuliyiin uu kamid Yahay Madaxwayne ku xigeenka labaad Ee Dowalad Gobaleedka Jubbaland Cabdi Qaadir Xaaji Maxamuud Luga Dheere.

Wafdiga aya  loo gudbiyay guriga Martida iyago shir saxaafada ka madax banaan la qaatey Madaxwaynaha Dowlad Gobaleedka jubbland Mudane Axmed Maxamed Islaam waxaana lagu wada in uu wafdigu booqdo meela badan oo ka mid Ah Magaalada Kismaayo

You might also like More from author

Comments are closed.