Muqdisho:Howl gallo ballaaran oo caawa ka bilaabanaya

56

Kulan looga hadlayay ammaanka iyo xasiloonida Caasimadda Muqdisho ayaa laga soo saaray go’aano la xiriira howl gallo baaritaano oo caawa ka bilaabanaya magaalada.

Kulankan oo galabta ka dhacay xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaare Kheyre, Wasiirka Amniga, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Taliyaha Booliska, NISA iyo Saraakiisha AMISOM.

Wasiirka Amniga oo kulanka ka hadlay ayaa kula dardaarmay Ciidamada ammaanka inay dardar geliyaan howl galada amniga, lagana hortago weerarada cadawga sida uu yiri.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo isna la hadlay Ciidamada Xasilinta Caasimadda oo todobaadyadii u dambeeyay warkooda la waayay ayaa ku amray xoojinta ammaanka Caasimadda, waxaana uu uga digay in ciidamada dhexdooda isku dhacaan.

Ciidamada Xasilinta ayaa lagu amray inay adeecaan Taliyeyaashooda, isla markaana u dhega nuglaadaan amarada la siinayo.

Howl gallada lagu dhawaaqay inay caawa ka bilaabanayaan magaalada Muqdisho ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalintii jimcaha ay qaraxyo iyo weeraro toos ah lagu dilay illaa sodomeeyo ruux, kaasoo ay sheegatay AlShabaab.

You might also like More from author

Comments are closed.