Dubai:Atarisho caan ka ah dalka Hindiya oo wadno xanuun u geeriyootay……

105

Atirishadan caanka ahayd ayaa magaalada Dubai ku geeriyootay xili ay ka qayb galeesay xaflad aroos ama meher oo halkaas ka dhacday laguna casuumay iyada iyo qoyskeeda.

Sridevi tan iyo markii 4-jir ahayd ayay filim jilista ku dhex jirtay waxayna la shaqeesay shirkadaha luqadaha kala duwan filimada ku sameeyaan ee Hindiya ka jiraan amil, Telugu, Malayalam, Kannada iyo Hindi (Bollywood).

Sridevi waxaa loo tixgalin jiray inay ka mid ahayd atirishooyinka naadirka ah ee Boxoffice-ka guulo waa weyn ka gaari jireen ayagoon isku haleynin ama ku tiirsaneyn atoore caan ah.

Warbixinada waxay intaas ku darayaan in Sridevi ay la socdeen seygeeda Boney Kapoor iyo gabadheeda Khushi marka ay Dubai ku geeriyootay.

Duqa magaalada London Sadiq Khan ayaa bartiisa Twitter-ka Sridevi ku maamuusay kana tacsiyeeyay geerideeda kadiska ahayd wuxuuna yiri “Aadban uga xumahay inaan maqlay aqbaarta ah inay Sridevu geeriyootay, waxayna ahayd atirisho xirfadeeda aad u sareesay jiliin ahaan, shaqo ahaan iyo soo saare ahaan”

“Run ahaantii waan ku raaxeestay la kulankeedii mar aan dhawaan Hindiya socdaal ku tagay”

You might also like More from author

Comments are closed.