DAAWO: Barre Hiiraale” Kismaayo waxaan u imid howsha ka socota inaan ka qeybgalo, haddii la saxo qaladka ku jira”

52

Col, Barre Aden Shire “Barre Hiiraale” oo wareysigii ugu horeeyey  oo uu bixiyo markii uu Kismaayo gaaray siiyey Idaacada Radio Hubaal oo hoostagta shabakada Idalenews.com ayaa waxaa uu sheegay inuu safarkiisa Kismaayo yahay ka qeybqaadashada howlaha maamul u sameynta ka socota Kismaayo.

Col,Barre Hiiraale ayaa sheegay inuu ka mid yahay siyaasiyiinta  kasoo jeeda gobollada maamulka jubbaland loo dhisayo,balse uu isaga muddoo ku maqnaa magaalada Muqdisho ee ah xarunta Soomaaliya, waxaana uu sheegay inuu maanta Kismaayo u yimid sidii uu qeyb uga noqon lahaa howlaha ka socda.

” Aniga siyaasiyiinta goboolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaan ka mid ahay, waxaana Muqdisho la socoteen in aan joogay Xamar. Haddana waxaan meeshan u imid laba arrimood, mida koowaad waa sidii aan uga qeyb noqon lahaa howlaha ka socda Kismaayo, nooca ay doonaan ha noqdeene, mida labaadna waxaa weeye reerkeygii iyo carurtii oo iga joogta Kismaayo” Ayuu yiri Barre Hiiraale oo la hadlayey Radio Hubaal xaruntiis Holland.

Barre Aden Shire oo ka hadlayey inuu ka qeybgalo si toos ah shirka Kismaayo ka socda iyo inay jiraan wax uu diidan yahay inuu uga qeybgalo shirkaasi ayaa sheegay inuusan ka mid aheyn ragii howshan soo abaabulay , haddana uusan ka mid aheyd madaxda wade, balse ay jiraan dhaliilo badan oo haddii aan la xallin uusan uga qeybgeli doonin shirkaasi. Isagoona sheegay dhaliishaasi iyo haddii la soco waxa uu yeeli doono.

HALKAN KA DAAWO WAREYSIGA BARRE HIIRAALE

[vsw id=”xTWBXWqUjok” source=”youtube” width=”425″ height=”344″ autoplay=”no”]

 Shirkan aniga raga bilaabay kuma jirin, hadda uu kismaayo ka socdo madaxda wada kuma jiro, laakiin waxaan ku sheegayaa inay jiraan dhaliilo badan oo aan is leeyahay in wax laga qabto ayaa muhiim ah, haddii la doonayo in shirkan najaxo ama uu guuleysto, oo lagu dhiso dowlad Jubbaland la dhaho.’ ayuu yiri Barre Hiiraale.

Wariye Abdiweli Garyare oo wareysiga ka qaadayey Barre Hiiraale ayaa waxaa uu si toos ah u weydiiyey inuu Barre cadeeyo dhaliisha uu rabo in la saxo si uu uga qeyb noqdo shirka Kismaayo. Barre ayaana ku jawaabay sidan :

Shirka noocan ah iyo sameynta dowlad la dhaho Jubbaland waxaa loo baahan yahay in dadka deegaanka la iswaafajiyo, dib u hishiisiin loo sameeyo.Dadka deegaanka oo leh siyaasiyiin, odey dhaqameed, culumo-awdiin,haween iyo dhallinyaro waxa degan oo shakiga uu ku kala jiro in la isku keeno ayey aheyd,kadibna la dhaho sameysta maamul aad raali isaga tihiin.” ayuu yiri Barre Hiiraale, waxaana uu intaasi kusii daray in ay muhiim tahay xoreynta degmooyinka gobolladan ka tirsan ee wali gacanta Al-Shabaab ku jira.

Waxa ugu horeeya ee maamul u sameynta ka muhiimsan waa in la xoreeyo degmooyinka sadexdan gobol ka maqan ee gacanta xagjiriinta ah kujira. Dadka degmooyinkaasi  jira ayaa muhiim u ah sii socoshada shirka kismaayo. Haddii dadkaasi la keeno waxaan qabaa in wax badan oo wanaag ah ay noqon doonto”

Dhinaca kale Barre Hiiraale oo wareysigan  lagu weydiiyey inuu kulan la qaatay maamulka KMG ah ee kismaayo ka jira tan iyo markii uu yimid magaaladaasi ayuu waxaa uu sheegay inuusan wax kulan ah la qaadan, isagoona sheegay inaysan is hureyn maamulkaasi inay wada hadlaan oo ay isku dan ka yihiin sadexdan gobol nabad kusoo dabaalidooda.

Barre ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya taageersan yahay balse waxaa uu dhinaca kale sheegay in isaga uusan wakiil ka aheyn dowlada Soomaaliya . Waxaana uu sheegay in dhinacyada Soomaalida oo dhan ka shaqeeyaan hirgelinta dowladan cusub.

Siyaasiyiin Barre Hiiraale ayaa gaashaanta u daruuray inuu tilmaan u yahay burburinta shirka Kismaayo ka socda, waxaana uu ku sheegay dadka fikirkaasi ka faafinaya kuwa shaqeynaya inay  ka warxumatashiilaan.

 Aniga Kismaayo uma imaan fowdo oo ma ihi qaswade. Waan la socdaa dad badan inay socdaalkeyga siyaabo kala duwan u fasirteen. Dadka aaminsan in aan cabsi iyo dagaal abaabulayo waxaan ku leeyahay waa qaldantihiin. Aniga dib u hishiisiin, horumr iyo midnimo ayaan la rabaa dadka degan gobolladan. Waxaana intaasi ii dheer inta gobollada degan ee aan isfahmeyn in aan waqtigeyga ku bixiyo sidii ay isku fahmi lahaayeen’ Ayuu yiri Barre Aden Shire ” Hiiraale”

Magaalada Kismaayo ayaa tan iyo shalay markii uu yimid Barre Hiiraale waxaa soo baxayey warar laga badbadiyey kuwaasi oo qalqal loogu abuurayey shacabka degan Kismaayo, waxaana sidoo kale siyaasigan looga dhigayey inuu yahay qaswade diyaar u ah inuu burburiyo shirka Kismaayo. Balse wareysiga Barre Hiiraale uu siiyey maanta idaacada Radio Hubaal oo hoostagta warbaahinta Idalenews.com ayaa soo afmeertay wararkii is burinayey ee kasoo baxayey socdaalka Barre Hiiraale.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.