Topnew:W/Amniga oo ka qeybgalay munaasabad uu xilka kula wareegayay Taliyaha ciidanka Booliska

72

Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa kula dardaarmay Taliyaha Booliska in uu si hufan uu u guto waajibaadkiisa shaqo ee loo igmaday.

Taliyaha cusub ee Ciidamada Booliska Sareeyo Guuto  Bashiir Cabdi Maxamed ayaa horay uga mid ahaa Taliye kuxigeenada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

 Golaah Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa 19-kii bishan waxaa ay magacaabeen Taliyeyaasha Booliska, Nabadsugida iyo Asluubta, waxaana sidoo kale dhawaan xilkiisa la wareegay Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka, iyadoo sidoo kale lafilayo in dhawaan uu xilkiisa isna la wareego Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac oo loo magacaaby Taliyaha Ciidanka Asluubta.

You might also like More from author

Comments are closed.